Banaadiriga waa dad wadaaga Diin dhaqan iyo deegaan, waa dad ka Kooban qabaa'ilo kala duwan, qaar waxay ka soo jeedan Carab,Perisian iyo kuwa ku abtirsado Qabiilo somaliyeed, Xaqiiqdana waxa ah in Kuwaa ku abtirsado Somalida inay yihiin kuwa uGu horeeyey ee deegaankaas looga yimid.Banaadiriga waa kusoo kala horeeyeen imaatinka dhulkan Banaadir.

Burburkii Saldanada Ajuuraan ka dib ayaa waxa dhacday in dadka ku abtirsado beesha Ajuuraan ay noqdaan dad la dhibaateeyo ama target u ah gumeystahii Portuguese oo ahaa dawladii burburisay saldanadii xooga badneyd ee Ajuuraan ee xukumi jirtay dhulka geeska Africa Qarnigii 13aad.Burburkaas ka dib Qabiilka Ajuuraan la oran jiray waxay u kala qeyb sameen jufooyin badan oo ilaa hada waxad maqleysaa (dad ku oranayo Ajuran ayan ka soo jeednaa).la yaab maleh waa dhaqamada lagu yaqaan Gumeystaha in dadkii uu u arko cadow ama ka horyimaada dhagarta gumeystaha ay baabi'iyaan ama tirtiraan taariikhdooda bani'aadamnimo.Tusaale waxa kugu filan dadka loo yaqaan KURDI ee manta loo kala qeybiyey dalal kala duwan. Hadaan dib ugu soo noqono mawduuceenii ahaa Qabaa'ilada Banaadiriga waxay u kala qeyb samaan 4ta Xamar oo kala ah: 1=Moorshe oo asal ahaan ka soo jeedo Ajuuraan.2=Bandhawoow oo ah dadka ku can bahay sameynta dharka iskuna jiro dad ka soo jeedo asal ahaan carab iyo qaar Somalia asalkooda yahay.3=Iskaashato oo ah qabiilo asal ahaan ka soo kala jeedo Carab iyo Somali.4=Dhabarweyne oo ayagana ka kooban qabiilo ka soo kala jeedo Carab,Persian iyo Somali.Waxa ku jiro Qabiilka loo Yaqaan reer Faqi oo ay 4ta xamar u yaqaanan Culumadii diinta oo ahaa wadaadadii Quraanka iyo Barashada diinta looga tagi jiray.Xamar waxa kale oo Degan 5Ta Shangaani oo u kala baxo 1=Asharaf oo asalkeeda yahay Carab.2=Camuudi oo Asalkooda yahay Carab.3=Reer Faqi oo asalkoda yahay Carab.4=Reer Maanyo oo asalkooda iskugu jiro Carab iyo qaar Somali ah.5= Reer Sheekh oo ah asalkooda Carab.Waxa Xaqiiq ah in Banaadiri uu intaas ka badan yahay Laakiin Taariikhda siday qoreyso Banaadiriga waxay ahaayeen dad kala danbeyn iyo qadarin ka dhaxeyso iskuna qadariyo sidan uGu soo kala horeeyeen degista dhulka xeebaha Somaliyeed

REER MAANYO waa magac ay ku midoobeen dhawr qabiil oo ka kooban Carab iyo Somali ka dib markii dalka Somaliya yimid gumeysigii Talyaaniga qarnigii 18aad ayey dadkaan oo deganaa degmooyinka ku harereysan xeebaha Xamar ilaa Shabeelada hoose ay isku af garteen in ay Iskaashi ahan ku midoobaan magacan Reer Maanyo( Marineo)si hantidooda u badbaado,qabiiladan oo ahaa waqtigigaas dadka uGu dhaqaalaha badan dekadana ay gacantooda ku jirtay ayaa gumeysigii Talyaaniga la galay heshiis waxana u suuro gashay in Talyaaniga uu ka gacan siiyo dekadii oo qarnigii 19aad bilowgiisa waxa la dhisay oo la balaariyey Ex furdo oo ku taalo degmada C/casiis(Kambo Amxaaro).Xaafada Kambo Amxaro waqtigaas waxay aheyd xero uu gumeystaha ku xareeyey Ciidan Amxaaro ah laakiin markii danbe waxa la soo dejiyey dadkii Banaadiriga ahaa ee Reer Maanyo ee deganaa Degmada Shangaani oo dhulkooda loo baahday in dekada lagu daro iyo dhul Laami maray.Taariikhda Talyaniga iyo Reer Maanyo waxay weli taalaa Museum ku yaalo dalka Talyaaniga magaalada Bologna.