maxamed cali alkan waxaan idiinku soo gudbuniyaa mid kamida mujaahidiintii ugu caansanaa ee dalka somalilmd xoreeyay kana mid ahaa aasaasayaashii ururkii dhaqdhaqaaqa soomaaliyeed ee snm mujaahidkii ugu horeeyay ee goostay markii lagu dhawwaqay ururka ahaana mid kamida ragii ugu halganka dheeraa guud ahaan snm mujaahidkan ayaa waxa uu yahay muj maxamed cali oo aad iska wada garanaysaan dhamaanteen waxa uu mujaahidku wadan jiray jiray ka hor intaanu goosan guutaadii afraad ee somali galbeed halkaas oo aay ugu tagi jireen mujaaahidiinta soo baxdaa muj maxamed cali faarax waxa uu ka howlgalay sidii looga samata bixin kumanaan maxaabiisa oo ku jiray jiilka mandhera isla markaana uu ka soo jabiyay mujaahid maxamed cali waxaa geesi run ahaantii la odhan karo mawhibo gaara ayaa eebi ku manaystay alla ha unaxareestii waxa la sheegay in ceedankii faqashta ahaa aay ka cabsan jireen isagoon aag ba ulahayn waxa uu ahaa ruux aan ka daalin mar qudha la dirirka gumaysiga waxa uu heer la arki karo ka soo qaatay halgankii xornimadan jamhuuriyada somaliland