Talk:Godaalo

Latest comment: 14 years ago by 94.0.19.221 in topic TAARIIKHDA GODAALO

TAARIIKHDA GODAALO edit

magaalo kastaa waxay leedahay taariikh hadaba haddii aan inyar ka sheego taariikhda godaalo,run ahaatii godaalo waxaa asaaskeeda la bilaabay 1960kii waxaa ilaa hadda jooga ninkii dhagixii ugu horeeyey dhigay bagcada godaallo, hadana ah head tuulaha ama duqa magaalada,waa maxamuud cabdi ciise(biciid fuul)godaalo iyadoo la rabo in laga bedelo magaca tuulada lagana dhigo degmo ayaa nasiib xumo waxaa dhacday dowladii soomaaliya 1991kii,sida ay hada tahayna uma qalanto tuulo ee waxaa weeye degmo weyn, tusaale ahaan ninmuddo hore oo xataa intii ay somaaliya jirtey gabay ka tiriyey ayaan ka xasuustaa erayadii gabaygaas sidan. -tuuladii godaalaad ogeyd waa burcoo kale,e. -waxaa baawarkeedaba lahaa ina biciid fuule(waa asaasihii godaalo) wuu badnaa gabaygu laakiin intaas ayaan ka xasuustaa, taariikhiyan qabiilka cumar wacays ee maanta dega godaalo ayna caasimad u tahay wixii ka horeeyey 1940kii waxay degi jireen dhulka la yiraaho yibaayil,halkaas oo ahyd xudunta cumar wacays laakiin markii cadaawad iyo dagaal badan ay kala kulmeen dadkii degaanka uga badnaa ee cismaan maxamuud(majeerteen)ayna waayeen cudud weyn oo ay iskaga caabiyaan ayay dantu waxay noqotay in ay ka soo guuraan bari ayna soo dhex degaan reer tolkood run ahaantii markii cumar wacays soo dhex degeen halkaas reer tolkood aad iyo aad ayay u soo dhoweeyeen waxna loola qabtay,madaxdii waagaas cumar wacays sida saalax ilbuur,shire gurey,biciid fuul,geelle jeesgooye,xasan cali caamir,sugule deynqaad,ina roore,cali carab,xaaji cabdi yaaquub,xaaji maxmuud dheere oo isna ka mid ahaa ururkii SYL dhamaan ragaasi maanta waa wada dhinteen illaah how naxariistee, oo ahaa hogaamiyaal qaali ah, godaalo axay ka mid tahay magaalooyinka maanta ugu caansan gobolka sool waxaa sanadkii 2002dii laga dhisay isguul hoose dhexe, waxay magaaladu leedahay rug caafimaad,waxay leedahay xarun maamul,oo ay aasbuuc walba ku shiraan odayaasha iyo maamulka degmadu,beesha reer godaalo waxay leedahay dhaqan aad u wanaagsan oo ku salaysan ixtiraam iyo kala danbeyn,wixii ka danbeeyey 1991kii godaalo waxay aad caan ugu tahay dhanka beeraha,gaar ahaan geed midhoodka iyo qudaarta,waxaa godaalo ku taal beer caan oo uu leeyahay sheekha la yiraaho maxamuud ibraahim sugulle oo beertaas wax soo saarkeeda loo iib geeyo meelo badan oo gobolka sool ka mid sida,laascaanood.xudun,taleex,sarmaanyo,carooley,awrboogeys,iyo meelo kale oo badan,godaalo waxayaalaha ay caanka ku tahay ee illaahay ku manaystay waxaa ka mid ah dooxooyinka waa weyn ee inta badan biyuhu qulqulaan mar walba,buuraha isku dhafan ee mamaca iyo didibka ah,waxay kaloo dhinac ka saaran buurta caanka ee sanka goray,run ahaantii reerka cumar wacays ee dega godaalo waa reer leh taariikh weyn marka laga eego dhinacyo badan sida, u dagaalankii xoriyada,oo rag badan oo uga dhinteen dagaalkii ingiriiska,ee ay dhulkooda kaga xoreynayeen,waxaa taas tusaale uga soo qaadan karaa ceelka la yiraaho KAL CUMAR WACAYS oo hal maalin ay gumeysigu ku dileen ilaa konton nin oo wada cumar wacaysaragaas illaah how naxariistee waa la gaaday waxaana ciidanka diley watey carab dheere oo waagaas ciidankii gumeysiga seyika ka dib wakiil uga ahaa aagaas, run ahatii taariikhda dahabka ah ee ay reer godaalo kaga jiraan umada soomaaliyeed wax qoraal yar lagu soo koobi karo maaha. waxaa iyana taariikh ay soomali wada taqaan ka mid ah caaqilkii caanka ahaa ee illaah how naxariistee saalax ilbuur,oo ahaa ururiyhii cumar wacays,dhulbahante dhexdiisana taariikh weyn ku lahaa saalax sida uu dhilbahante dhexdiisa ugu weynaa waxaad ka garan kartaa markii uu dhintay ayaa aad looga naxay inkastoo ay geeridu xaq tahay,ayaa nin gabay tiriyey dhulbahante ah isagoo leh (ILBUUR DHIMAYEY OO CUMAR WACAYS WADA AGOOMOWYE).gabaygu wuu badnaa kamana wadin cumat wacys keliya ee wuxu ka wadey dhulbahante garab weyn ayaa ka dhacy,ka dib markii uu dhintay saalax ilbuur waxaa caaqilnimadii la wareegey sida dhaqanka ah wiilkiisii xasan saalax ilbuur,oo isna ahaa illaah how naxariistee taariikh weyn oo soomali wada taqaan, xasan saalax wuxuu ahaa nin xigmaawi ah,illaahyna xoolo aduun u dhiibey waxaa somalidu aad ugu taqaan waxaa ka mid ahaa geela caanka ee DABAKARIIX geelaasi markuu ugu yaraa waxaa la sheegay inuu ahaa 900 oo halaad sanad walbana waxaa dhali jirey ugu yaraan 200 oo halaad,xasan saalax isna illaah how naxariistee wuxuu dhintay 1991kii,isna sidii hore oo kale waxaa xukunkii iyo hogaankii reerka qabtay cabdikariin xasan saalax oo ah ragga ugu awooda badan gobolka sool aadna looga qaderiyo, —Preceding unsigned comment added by 94.0.19.221 (talk) 19:13, 16 February 2010 (UTC) —Preceding unsigned comment added by 94.2.242.192 (talk) Reply