File talk:New AT&T Logo in Dallas, TX.jpeg

Latest comment: 7 years ago by LAASHIN YARE in topic GABAY MIDNIMO

MIDNIMO GABAY edit

GABAYGII MIDNIMO IYO LAASHIN YARE Miinley ma dooniyo in aan maanso tiriyaaye Balse ruuxii aan mootaneyn oo macna u taagan Maaliney ahaataba kolbuu meeris curiyaaye Oo uu madarta geeyaa misaalladii dahsoonaaye

Al maliiku magac eebbe waa lagama maarmaane Mahad waxaa leh mowloo midnimo geliye maankeenna Marks xiga malaayiin is jecel meel isugu keenay Mahad waxaa leh mowloo murtida ila mataaneeyey

Ma'dii kale haddaan soon gallon muujo hadafkeyga Midigtuba miciin maleh hadey bidixi meyddaaye Meerayaasha dhiiggiyo maqaarkoodi baan nahaye Mid nimadu iney muqadas tahay geliya

Hadii aan misaallada ka taco yoon macnaha aado Oo aan marqaha kaaga furo sidigta maabdeeqa Waxaan idin mihiibsiinayaa maanso magac Wayne Maankiinna geliyoo middaan meek walba u qaada

Hadii muran nasoo kala dhex galo maalin gudeheeda Macna wayn in loo yeelabaan maqal ku heynaate Maqaawiirtibaa joogta iyo mudana yaashiiye Maryohoo la xooraase waa mahadho ceebeede

Shinniduba markey miidda iyo malabka uumeyso Muruqeeda iyo maankabey wada mideysaaye Masuul gaarabey leedohoy wada muddeecdaaye Macaankaad arkeysaani waa Mira dhalkeediiye

Waxa aan ka murugoonayaa maalmihii tegeye Minan quruxsan meeqaamka sare kuman masaabiixa Mihiigaanka rooboo Mar qura dunida maasheeyey Muruqiinna Oo wada jiraa lagu misaalaaye

Mid year baan ku soo koobayaa meerisyada guude Muqdishow man joogiyo midkii meela kale aadey Nin walbow masuul bad tihiyo mundane Beeshaaye Midnimadu iney muqaddas tahay geliya maankiinna

LAASHIN YARE (talk) 17:28, 8 August 2016 (UTC)Reply

GABAY MIDNIMO edit

Miinley ma dooniyo in aan maanso tiriyaaye Balse ruuxii aan mootaneyn oo macna u taagan Maaliney ahaataba kolbuu meeris curiyaaye Oo uu madarta geeyaa misaalladii dahsoonaaye